Nin isaga oo ay lug ka jaban tahay orday masaafo aad u badan

Image

LONDON, UK – Todobaadkaan waxaa magaaladda London, caasimada Ingiriiska, lagu qabtay tartan Orodka, kaasi oo ay ka qaybgaleen ciyaartoy dhowr ah.

Xidigaha kasoo muuqday waxaa kamid ah Steven Quayle, kaasi oo taariikh aan caadi ahayn ka sameeyay aduunka iyo guud ahaan UK.

Steven ayaa orday masaafo gaareysa 18 mile, isaga oo lugtiisa bidix ay tahay mid jaban, wallow uu qirtay in uu dareemyay xanuun.

"Ma aanan dooneyn in aan dadka hortooda ku ooyo [ilmeeyo], balse xanuun daran ayaa jiray," ayuu u sheegay Telafishinka CNN.

Steven Quayle ayaa ku jabay markii ay ku kufay caag biyo ah. Dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartay, cagta, qoobka iyo cajarka.

Shaqada uu rasmi ahaan qabto waa dab-damiye. Balse waxa uu tartankaan uga soo qayb galay si uu u taageero Isbitaal deeq u baahnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM