Nin madaxa ka xiiray xaaskiisa markii uu timo ku arkay cunto ay siisay

Image

DHAKA, Bangladesh – Shaqsi u dhashay Bangladesh kaasoo si qasab ah madaxa uga xiiray marwadiisa markii uu timo ku arkay quraacdiisa ayaa la xiray, sida uu Talaadada maanta ah shaaciyey Booliska.

Hay'addo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhacdan kadib waxay aad kaga digeen xadgudubyadda ka dhanka ah dumar oo kusoo badanaya waddankan dhaca qaaradda dadka badan ee Aasiya.

Bileyska ayaa ku duulay hoyga oo ku yaala Waqooyi Galbeed ee degmada Joypurhat, waxayna soo qabteen Bablu Mondal, 35-sano jir, markii rayidka ay falkan kusoo war-geliyeen laamaha ammaanka.

"Timo bini'aadam ayuu ka helay Bariiska iyo Canaaha oo ahayd quraacda ay xaaskiisa u diyaarisay isaga," sidaas waxaa Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Shahriar Khan, taliyaha booliska halkaas.

Haweenayda oo 23-sano jir ah ayaa waxa aysan wali ka waramin dareenkeeda. Balse, mar la isku dayey in la su'aallo waa ay diiday.

"Aad ayuu u carooday markii uu arkay; isaga oo eedeeyay xaaskiisa. Kadib wuxuu soo qaatay Maqas isaga oo si awood ah madaxa kaga xariiqay," ayuu hadalkiisa kusii daray sarkaalkan sheekadan ka warbixiyey.

Khan ayaa xusay in Bablu lagu soo oogay dacwad ah "in uu dhaawacay qof si bilaash ah ugu adeegayay" iyo in uu u gacan-qaadey xaaskiisa. Dambigaas wuxuu ku tumeysan karaa 14-sano oo xabsi ah.

Bangladesh ayaa, sidda ay sheegaan hay’addaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, waxay kamid tahay wadamada sida aadka ah loogu tunto xuquuqda dumarka, wallow ay socdaan olale lagu joojinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM