Nin loo maxkamadeynayo in uu "xasaas badan mar wada guursaday"

Image

WASHINGTON, US – Kadib muddo sanado ah oo ay booliska ku raad-joogeen, shaqsigan ayaa uu dambeyntii waxaa gacanta lagu dhigay 17-kii August.

Dacwad-oogeyaasha ayaa Johnnie Goodman Jr, oo 37-sano jir ah, waxay kusoo oogeen dacwad la xiriirta in uu mar wada guursaday laba xaas.

Bishii November 2008-dii ayaa la sheegay in uu la aqal-galay xaaskiisa koowaad. Isaga oo aanan taasi furin waxa uu Maaj 2012-kii guursaday haweenay kale.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in Goodman uu bishii Maaj 2015-kii uu marwo saddexaad kale yeeshay, isaga oo aanan furin xaasaskiisii hore.

Ruuxan ku nool Kentucky ayaa maxkamad lasoo muuqday dhowr jeer, iyadda ay ugu dambeysay Talaadadii oo damaanad kun dollar ah lagu sii daayey.

Gobolka uu degan yahay oo guursashada xasaaska badan uu ka yahay dambiga nooca "D" ayaa waxaa qofka loogu ciqaabaa hal illaa iyo shan sano oo xabsi ah.

Dhanka kale, eedeymo kale oo la xiriirta in bishii August 2015-kii uu khal-khalgeliyay xiriirka dadweynaha iyo jebinta sharciga ayaa lagu soo eedeeyay.

Haweenay ayaa waxay ahayd qofkii ugu horeeyay ee taariikhda gobolka lagu soo eedeeyo in ay guursatay rag badan, wallow aanan la hayn tiradda guud.

Ugu dambeyntii, kiiska Goodman ayaa waxaa loo muddeeyay in go’aan kama dambeys ah laga gaari doono 27-ka bisha September ee sanadkan 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM