Nin masiixi ah oo dil toogasho loogu riday in uu u gefay Nabi Maxamed

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Maxkamad ku taala magaaladda labaad ee ugu weyn waddanka Pakistan ee Lahore ayaa Talaadadii nin masiixi ah waxay dil toogasho ugu xukuntay in uu hadalo ugu gefay Nabi Maxamed [NNKH].

Asif Pervaiz, oo ah shaqaale warshad dharka sameysa, ayaa maamulihiisu wuxuu kusoo oogay dacwad ah in uu fariin qoraaleed ahaan ugu soo diray hadalo sumcad dil ah ama aflagaado ah kana dhan ah Nabi Maxamed.

Wallow dalabyo dib-u-eegis ay miiska saaran yihiin, Pakistan waxaa ka jira sharci qofkii u gefa Nabiga uu ku muteysan karo dil toogasho.

Pervaiz, oo 37-sano jir ah, ayaa kiiskiisu soo taxanaa tan iyo 2013-kii. Qareenkiisa, Saif-ul-Malook oo u waramay wakaaladda wararka Reuters, wuxuu sheegay in ay rafcaan qaadanayaan. Balse masoo bandhigin waqtiga.

Garsooreyaasha ayaa wariyey in Pervaiz uu marka hore saddex sano xabsi ugu qaadan doono "in uu si qaldan u adeegsaday telefoonka".

"Kadib waa la daldalaa ilaa uu ka geeriyoodo," ayay ka dhawaajiyeen, iyagoo ku ganaaxay aduun lacageed dhan saddex boqol oo Doolar ah.

Pervaiz ayaa u sheegay maxkamada in maamulihiisa uu eedahaan u soo jeediyey markii uu ka diidey in uu Diinta Islaamka qaato. Hase ahaatee, dacwadoodaha qareenkiisa, Murtaza Chaudhry, wuxuu beeniyey qiilkaan.

Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa tilmaamay in sharciga gefka diimaha lagu maxkamadeeyo dadka laga tiradan yahay ama Muslimiinta si shaqsiyaad dano gaar ah u gaaraan hadafkooda qarsoon.

Bishii Julaayo ee sanadkan 2020, muwaadin Ameerikaan ah waxaa gudaha maxkamad ku taala magaalada Peshawar ku dilay wiil dhalinyaro ah, Tahir Ahmed Naseem, kaasoo ku eedeyay in uu caayey Nabi Maxamed [NNKH].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM

Erdogan iyo Bin Salman oo Khadka Taleefanka kaga Wada Hadlay Xiisadda u Dhaxeysa Israel iyo Iran

Erdogan wuxuu si gaar ah u xusay in Israel la joojiyo tahay-na tallaabada keliya ee lagu….

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 04:46PM