Nin qirtay in uu dili rabay deriskiisa balse uu qorigii u shaqeyn waayey

Image

WASHINGTONG, US – Laamaha amaanka Mareykanka ayaa xabsi dhigay nin ku dhaartay in uu dilayo deriskiisa balse uu qoriga u shaqeyn waayey.

Gary Finch, 67-jir, oo bileyska ugu soo cowday in deriskiisa ay qashin soo dhigeen agagaarka gurigiisa ayaa wajahaya dambi ah isku day dil oo bareer ah.

"Markii uu bileyska soo wacay wuxuu noo sheegay in uu qorigiis raad-sanayo uuna dili doono, hadii aysan imaan," ayaa laga soo xigtay sarkaal boolis.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, Mr Finch ayaa cabeystay qoriga kuna taagey deriskiisa isaga oo dhowr jeer ridday balse ay rasaasta u dhici wayday.

Lamaaneyaasha ayaa intaasi kadib dib ugu cararay hoygooda, waxaana durba meesha yimid ciidanka Booliska.

Howlgal laga sameeyay guriga shaqsiga la tuhunsan yahay ayaa dhalisay in laga soo helo hub badan iyo rasaastooda.

Gary Finch oo dambiga qirtay ayaa kolkii dambe lagu sii daayey damaanad lacageed oo gaareysa 20-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Dhacdadani oo 1-dii bishan June waxay ka dhacday magaaladda Austin oo ka tirsan gobolka Texas ee Mareykanka ayaa noqotay tan ugu hadalheynta badan degaankaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM