Nin safrinayay shahwo oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha

Image

NEW DEHLI, India – Mas'uuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in 16-kii bishaan Maaj ay ku qabteen garoonka diyaaradaha New Delhi nin u dhashay Malaysia kaasoo boorsadiisa ku watay shahwo bini’aadam.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in ay baaritaan ku sameyn doonan suurtagelnimada in ninkaan uu ka ganacsado arrintaan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in ninkaan oo aan wali magaciisa la shaacin uu qirtay in aanu ahayn markii ugu horeysay oo uu India soo geliyo shawho bini’aadam, ayna la shaqeeyaan xarumo caafimaad.

Balse qaar kamid ah xarumaha caafimaad ee uu sheegay ayaa iska fogeeyay in ay wax xiriir ah la leeyihiin ninkaan.

Rebecca Gonsalves, oo matalayay waaxda dambi baarista ayaa Isniintii u sheegay maxkamada Mumbai in uu wali u socdo baaritaan.

Jaraa’idka Times of India ayaa ku waramaya in baarayaasha ay gacanta ku hayaan fariin qoraal caddeynaya xiriir ka dhaxeeya xarumo caafimaad iyo eedaysanaha.

Goral Gandhi, oo dhakhtarada leh xarunta caafimaad ee lasoo eedeeyay, ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixinta wargeyska.

Qareenkeeda Sujoy Kantawalla ayaa u sheegay maxkamada: "Iyada uma soo dhoofsato shahwada bini’aadamka ganacsi ahaan.

"Kiiskaan waxaa daba ka riixaya kuwa iyadda tartan kula jira," ayuu hadalkiisu ku daray Garyaqaanka, sida uu kasoo xigtay joornaalka Indian Express.

Maxkamad ayaa amar ku bixisay in Gandhi ay diyaar u soo noqoto Jimcada soo aadan wareysi lagala yeesho gal-dacwadeedkaan.

Shahwada bini’aadamka ayaa dunida horumartay loo isticmaalaa in lagu beero dumarka, iyadda oo aan la sameyn wax xaajo ah.

Hindiya ayaa sanadihii u dambeeyay ahayd mid kamid ah wadamada sida looga adeegsado arrintaan, wallow ay mamnuuc tahay in lasoo geliyo gudaha dalkaasi iyada oo aan ogolaansho laga haysan Golaha Cilmi-baarista Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM