Faransiiska: Nin toorey ku hubeysan oo galaaftay saraakiil boolis

Image

PARIS, France – Nin ku hubeysan Toorey ayaa weeraray saraakiil ku sugan saldhig boolis oo ku yaala Paris, sida ay wararku sheegayaan. Gacan ku dhiiglaha wuxuu dilay afar askar kahor inta aan la toogan.

Ugu yaraan hal askar ayaa si daran u dhaawacmay, sidda uu baahiyey Tv-ga maxaliga ah ee BFM. Illo wareegay ayaa Wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey in dableyga la khaarijiyey.

Dhinaca kale, afhayeenka bileyska magaaladda caasimada ah ee Paris ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu ka hadlo dhacdadan.

Kadib falkan, saldhigyo kale oo boolis oo ku yaala isla magaaladda ayaa albaabada loo laabay, sababo ku aadan weeraro kale.

Christoper Castaner, wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa kormeeray xaaladda.

Illaa iyo haatan ma cadda ujeedada ka dambeysa falkan. Balse, baareyaasha ayaa ku dhawaaqay in ay baadigoobayaa xuduntiisa.

Faransiiska ayaa waxaa horey u soo maray weeraro dhimasho dhaliyey oo ay ku lug-yeesheen kooxaha Jihaad-aloosyaasha ah, kuwaas oo qaarkood ay sababeen in dalka uu galo xaalad degdeg ah iyo bandow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM