Nin xaaskiisa u dili gaarey in aysan u qaboojin cabitaanka xiliga Afurka

Image

KUWAIT CITY, Kuwait – Hay’addaha amaanka dalka Carbeed ee Kuwait ayaa waxay xireen nin xaaskiisa u garaacay in aysan u qaboojin cabitaan uu ku furo.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, ninkaan ayaa ugu goodiyey lamaantiisa in uu tooryeen doono hadii ay mar dambe sidaasi sameyso.

Majaladda Al Rai ayaa ku warameysa in shaqsigaan uu horey ugu sheegay xaaskiisa in ay u keento cabitaan aad u qabow marka la gaaro xiliga Afurka.

"Isaga oo toorey wata ayuu kusoo cararay, balse waxay ku qancisay in aysan mar dambe sidaasi sameyn doonin," ayuu yiri wargeyska, oo soo xiganaya qof deris la ahaa.

Marwada ayaa intaasi kadib dhacdadaan ku wargelisay ciidamadda Booliska oo durbiibada xabsi u taxaabay ninkaan kaasoo su'aalo ku aadan siday wax u dhaceen la waydiiyey.

Haweenayda ayaa u gudbisay bileyska cabasho ka dhan ah seygeeda, oo ay codsatay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado, hadii uusan ka noqon go'aankiisa.

Eedeysanaha oo qirtay isku dayga dilka iyo garaacista xaaskiisa ayaa waxa uu muujiyey in ka qoomameeyay arrinkaasi, isaga oo xusay in uusan ku dhaqaaqi doonin mar kale.

Intaasi kadib, haweenayda ayaa ka laabatay kiiska tabashada, waxaana wax kasta ay haatan kusoo laabtaan si caadi ah.

Sikastaba, wararka noocaan ah ayaa ka ah Kuwait wax naadi ah, waxaana dhacdadaan lasoo wariyey maalintii lixaad ee bisha barakeysan ee Ramadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM