Ninkii ugu da'da waynaa dalweynaha Ruushka oo geeriyooday

Image

MOSCOW, Russia – Shaqsigii ugu da'da waynaa dalweynaha Ruushka ayaa ku geeriyooday da'da 123-jir, sidda ay baahisay wakaalada wararka dalkaasi.

Appaz Iliev oo mudooyinkii dambe xanuun wajahayey ayaa Jimcadii ku dhintay isaga oo ku jira qolka xaaladda degdega ah.

Ninkaan ayaa waxa kasoo jeeda gobolka waqoyga wadanka qabuubaha badan dhaca ee lagu magacaabo Ingushetia.

Madaxweynaha gobolkaasi, Yunus-bek Yevkurov, oo ku dhawaaqay dhimashada ayaa tacsi u diray ehelka marxuumka.

Yevkurov ayaa aad ugu ammaannay marxuumka doorka uu ka qaatay horumarka, is-dhexgalka iyo mideynta shacabka.

Iliev oo isbitaal ugu jiray sanadihii lasoo dhaafay xanuuno la xiriira da'diisa oo korortay ayaa waxa uu dhashay 1-dii Maaj sanadku markuu ahaa 1896-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM