Oday 89-jir ah oo markii uu dhintay lala aasey wargeysyadii uu ku taxanaa

Image

KAMPALA, Uganda – Odey 89-sano jir ah ayaa lagu waramayaa in markii uu dhintay lala aasey nuqul kamid ah joornaaladii uu ku taxanaa.

Sidda laga soo xigtay wargeyska New Vision, Dodoviko Ssenyonjo ayaa dalabkan gudbiyey kahor inta uusan dhiman.

Sheekadan ayaa ka dhacdey bartamaha waddanka Yugandha [Uganda] ee dhaca Geeska qaaradda soo koreysa ee Afrika.

Marxuumka ayaa la sheegayaa in uu ahaa qof aad ugu taxan akhrisashada jaraa’idyadda ugu caansan waddankaasi.

Reerkiisa ayaa la fahansan yahay in ay rumeysan waayeen qaabka uu u keydiyey joornaalada uu aadka gu xirnaa.

"Wax naadir ah ayey ahayd in lagu arko joornaalada nuqulo la badiyey [copy]," ayaa laga soo xigtay qof kamid dadka degaanka.

Sikastaba ha ahaatee, warkan ayaa waxa uu kamid yahay kuwa loogu hadal-heynta badan yahay qaarada Afrika todobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM