Pranab Mukherje: Madaxweynihii hore ee Hindiya oo geeriyooday

Image

NEW DELHI, India - Madaxweynihii hore ee Hindiya ahaana mid kamid ah siyaasiyiintii isbedelka ku sameeyay hogaaminta dalkaas, Pranab Mukherje, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaaladda caasimadda ah ee New Dehli.

Wiilkiisa oo lagu magacaabo Abhijit Mukherjee oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka dhawaajiyey in aabihii uu ku dhintay da'da 84-jir isla markaana dhakhaatiirta ay dedaal walba bixiyeen sidii uu u badbaadi lahaa.

Horaantii todobaadkan ayaa qaliin dhanka wadnaha ah loo dhigay isbitaalka oo ah mid ay maamulaan ciidamadda milatariga. Intii u dhaxeysay 2012-17 madaxweynaha India. Wuxuu ku guuleystay Bharat Ratna oo ah bilada ugu sareysa gudaha Hindiya.

Kahor madaxtinimada wuxuu soo noqdey Wasiirada arrimaha dibadda, difaaca, ganacsiga iyo dhaqaalaha. Dhamaan jagooyinkaas oo waqtiyo kala duwan uu qabtay wuxuu ku metelay xisbiga talada haya ee loo yaqaano Indian National Congress.

Bishaan August 10-keeda, fariin uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku xaqiijiyey in laga helay safmarka Coronavirus. Dhamaan dadkii booqdey ayuu ku booriyey in ay is karantiilaan isla markaana ay maraan baaritaan caafimaad.

Tan iyo xilligaas, xaalada caafimaad ee Mukherje ayaa la sheegay in ay kasii dartay. Isbitaalka uu ku jiray wuxuu soo wariyey in uu u baahan yahay daryeel deg-deg ah. Hogaamiyeyaal siyaasadeed ayaa u rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho deg-deg ah.

Ugu dambeyntii, Narendra Modi, ra'iisul wasaaraha haatan jooga ee Hindiya, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Pranab Mukherje. Wuxuu bedel wanaagsan iyo naxariis u rajeeyay qoysaskiisa. Qoraal uu soo saarey ayuu ku ammaanay hogaamintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM