Qaramada Midoobay ka digtay cudur halis ah oo dunida ku faafaya

Image

WASHINGTON, United State of America – Qaramada Midoobay ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ku wajahan caalamka oo idil, kadib cudur halis ah oo degdeg ku faaraya.

WHO, hay’adda Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa u qaabilsan caafimaadka, ayaa sheegaysa in xanuunka Jadeecada uu halis ku yahay dadka aduunka ku nool.

Waxay sheegtay in kaliya sanadkaan 2019-ka uu saddex jibaarmay dadka uu haleeyay cudurkaan oo halis caafimaad leh.

Qaaradda Afrika ayay WHO sheegtay in 70% uu sare u kacay, taasi oo ka dhigan in ay korodhay dadka isbitaalada loo dhigay.

Ukraine, Madagascar iyo India waa dalalka uu sida daran u sameeyay dadkooda, xili Mareykanka uu qayb ka yahay wadamada laga soo wariyay sanadkaan.

"Si looga fogaado in uu si baaho dadku waa in ay qaataan talaalka ka hortaga," ayay WHO ku boorisay dadka caalamka ku nool.

Jadeecada waa xanuun dadka ku dhaca gaar ahaan caruurta wuxuuna sababi karaa in uu qofka geeriyoodo maadaama uu saameynayo neef-mareenada iyo waliba sambadada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM