Qarax ka dhacay nawaaxiga safaarada Mareykanka ee Tunisia

Image
Image
Image

TUNIS, Tunisia – Qarax ayaa maanta oo Jimce ah waxaa laga soo wariyey nawaaxiga dhismaha safaraada Mareykanka ee caasimada dalka Tunisia, sidda ay shaacisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyey in falka oo ahaa is-miidaamin uu fuliyey ruux watay Mooto. Wali lama aqoonsan shaqsiyadiisa.

Dhismaha safaaradda ayaa ku yaala degmadda caanka ah ee Berges du Lac. Xiliga uu qaraxu dhacay waxay waddo ahayd mashquul.

Sawirro laga soo qaadey goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya waxyeelo burbur u badan oo soo gaarey gaadiid yaala banaanka safaarada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaraada ayaa waxaa lagu sheegay in hay'addaha ammaanka ay si degdeg ah ula tacaaleen weerarka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Si lamid ah, ma cadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxa.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha caalamka ee safka hore kaga jira baacsiga ururada argagixisada ah, mana ah markii ugu horeysay oo la beegsado howlgaladiisa diblumaasiyadeed ee dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM