Qarax ka dhacay nawaaxiga safaarada Mareykanka ee Tunisia

Image
Image
Image

TUNIS, Tunisia – Qarax ayaa maanta oo Jimce ah waxaa laga soo wariyey nawaaxiga dhismaha safaraada Mareykanka ee caasimada dalka Tunisia, sidda ay shaacisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyey in falka oo ahaa is-miidaamin uu fuliyey ruux watay Mooto. Wali lama aqoonsan shaqsiyadiisa.

Dhismaha safaaradda ayaa ku yaala degmadda caanka ah ee Berges du Lac. Xiliga uu qaraxu dhacay waxay waddo ahayd mashquul.

Sawirro laga soo qaadey goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya waxyeelo burbur u badan oo soo gaarey gaadiid yaala banaanka safaarada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaraada ayaa waxaa lagu sheegay in hay'addaha ammaanka ay si degdeg ah ula tacaaleen weerarka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Si lamid ah, ma cadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxa.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha caalamka ee safka hore kaga jira baacsiga ururada argagixisada ah, mana ah markii ugu horeysay oo la beegsado howlgaladiisa diblumaasiyadeed ee dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM