Qarax ka dhex-dhacay Jamaacad oo khasaaro dhaliyey

Image

KABUL, Afghanistan – Qarax ka dhex-dhacay Jaamacad ku taala koonfur bari Afghanistan ayaa dhaawacay ugu yaraan 19 Arday, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta oo xusay in laba kamid ah ay xaaladooda liidato.

Weerarka oo Talaadada maanta ah dhacay ayaa laga soo wariyey mid kamid ah fasalada Jamaacadda Ghazni, oo ku taala duleedka caasimada goboleedka Ghazni, sida uu qiray afhayeenka gobolka.

Sidda laga soo xigtay Arif Noori oo warbaahinta u waramay, 12 kamid ah bukaanadda ayaa waxay yihiin dumar.

Mas'uuliyiinta ayaa tibaaxay in 13-kamid ah dhaawacyadda ay ka baxeen Isbitaalka kadib markii la daaweeyay.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uulkan falkan. Mana cadda sababta dhabta ah ee loo beegsaday Jamaacadda.

Falaagada Taliban ayaa mararka qaarkooda waxay howlgalo ka fulisaa gobolka, iyadda oo beegsata laamaha ammaanka.

Bishii hore, qarax Miino oo la kacday gaari ay leedahay Jamaacaddan ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ku naf-waayey darawalkii.

Noori ayaa tilmaamay in shan arday ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo si lamid ah aysan jirin koox sheegatay mas'uuliyadiisa.

Axadii, ugu yaraan tobban ruux ayaa lagu dilay, 27 kale way ku dhaawacmeen markii gaari ay la socdeen askar cusub oo loo qoray ciidanka Afghanistan lagu qarxiyey bariga magaaladda Jalalabad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM