Qarax khasaaro baaxad leh geystay oo ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan – Ugu yaraan sideed askari ayaa ku dhimatay, in ka badan 70 shacab way ku dhaawacmeen kadib qarax gaari oo ka dhacay gobolka Ghazni ee dalka Afghanistan, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Hasan Raza Yousafi, xubin ka tirsan golaha degaanka gobolkaasi, ayaa laga soo xigtay in weerar oo is-miidaamin ahaa Axada maanta ah lagu beegsaday dhismaha hay’adda sirdoonka ee caasimadda gobolka.

Mudanaha ayaa tibaaxay in dhamaan xubnaha la dilay ay ka tirsanaayeen hay’addaha sirdoonka, wallow uu qiray in bukaanada haatan xaaladooda lala tacaalayo ay rayid u badan yihiin.

Zabihullah Mujahed, afhayeenka falaagada Talibaan, oo sheegatay mas’uuliyadda dhacadaasi ayaa yiri: "Tobanaan ka tirsan hay’adda sirdoonka ayaa ku naf-waayey kuna dhaawacmey howlgalkaasi."

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili shir laba maalmood ah oo u dhaxeeya dowladda Afghanistan iyo kooxda Talibaan uu ka furmay magaaladda Dooxa ee waddanka Qadar.

Talaabadaasi ayaa waxaa ujeedka laga leeyahay waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii loosoo afjari lahaa colaad in ka badan 18-sano ka taagan waddankaasi.

Danjiraha Mareykanka ee arrimaha nabadda, Zalmay Khalilzad, ayaa hoosta ka xariiqay in wareega wada hadallada ee Dooxa ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa taariikhda, isaga oo rajo fiican muujiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM