Qarax lala eegtay kolanyo Qaramada Midoobay ah oo dhimasho sababay

Image

KABUL, Afghanistan – Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Kabul ayaa galaaftay nolosha tirro qof oo uu ku jiro ruux shisheeye ah.

Weerarka koowaad oo lagu beegsaday kolanyo ay la socdeen xubno ka tirsan Qaramada Midooay ayaa dhaawacay shan ruux.

Hal qof oo lagu sheegay ajnabi kaasoo waddankiisa aan lasoo bandhigin ayaa waxaa la tilmaamayaa in uu falkaas ku geeriyooday.

Dhinaca kale, weerar kale oo bar kontarool ka dhacay ayaa waxa ku dhintay sideed askari, waxaana ku dhaawacmay afar kale.

Falaagadda Taliban ayaa sheegatay gulufka dambe, iyadda aan soo qaadin qarax lala eegtay kolanyadda Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in uu dhicisoobay weerarka koowaad maadaama dhaawacyaddu yihiin kuwa aan buurnayn.

Kabul ayaa sanadkan 2019 waxay u tahay mid kamid ah kuwii ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah maadaama boqolaal lagu khaarijiyey.

Afghanistan oo ah dal ku yaala qaaradda balaaran eeAasiya ayaa sanadihii u dambeeyay wuxuu la daalaadhacayey kasoo kabashadda colaado daran oo sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM