Qaraxyaddii cuslaa ee Bayruut oo galaaftay xukuumadda Lubnaan

Image

BAYRUUT, Lubnaan - Ra'iisul Wasaarihii Lubnaan, Hassan Diab, ayaa is-casilay xilli waddankaas ay ka jirto carro ka dhalatay qaraxyadii gilgilay magaaladda Bayruut ee galaaftay nolosha 158 qof, kumanaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Mr Diab oo Axada maanta ah ka hadlay Tv-ga qaranka ayaa ku dhawaaqay is-casilaada xukuumadiisa, arrintaas oo kamid ah codsiga shacabka ka banaanbaxay musiibadaas hoy la'aanta dhigtay 300-kun oo qof.

Isu-soo-baxyadda oo si xariir ah uga soconaya magaalada Bayruut tan iyo markii uu dhacay qaraxa waxaa wehliyay isku-dhacyo dhexmarayay mararka qaar ciidamada booliska iyo dadweynaha banaanbaxaya dhigaya.

Michel Aoun, madaxweynaha Lubnaan oo ogolaadey is-casilaada xukuumadda Diab ayaa waydiistay in ay shaqada kusii waddo si ku meelgaar ah inta laga soo laga magacaabo ra'iisul wasaare jagada kala wareega.

Bishii Janaayo ayay ahayd markii Diab loo magacaabay xilka uu haatan faarujiyey. Magacaabidaas waxay ku timid isbedel ay dalbadeen shacabka kadib mudaaharaadyo ka dhashay sarre u kac ku yimid nolosha caadiga.

Intii uu hadal-jeedinta sameynayey, Diab oo difaacay "wax-qabadka xukuumadiisa" ayaa carabka ku dhuftay in musuqmaasuqa jilbaha dhulka u dhigay hay'addaha dowladda ay curyaamiyeen "wixii laga filayey".

Baarlamaanka Lubnaan ayaa go'aan ka gaari doona ra'iisul wasaaraha cusub, sidda uu xeerinayo nidaamka awood qeybsiga waddankaas, kaasoo ku saleysan bulshooyinka kala diimaha ah ee ku dhaqan.

Sikastaba ha ahaatee, qaraxyaddii Bayruut oo wali lagu la'yahay tobanaan kale kuwaasoo isugu jira shaqaale ajaaniib ah iyo darawalo gaadiid xamuul ayaa u muuqda in ay galaafteen xukuumaddii rajada badan laga qabay ee Lubnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM