Qaxooti laga cabsi qabo in ay Soomaali ku jiraan oo lagu laayey Liibiya

Image

TRIPOLI, Libya – Ugu yaraan 40 soogalooti ayaa ku geeriyootay, in ka badan 80 kale way ku dhaawacmeen ka gedaal markii la duqeeyay xarun qaxooti oo ku taala magaaladda Tripoli ee caasimadda Liibiya.

Dowladda uu caalamka barataaro oo warkan ku dhawaaqdey ayaa duqeynta ku eedeysay xoogaga uu hogaamiyo Jenaraalka awooda badan ee Khalifa Hifter, kaasi oo gacanta ku haya qeybo kamid dalkaasi.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka, Malek Merset, ayaa baahiyey sawiradda gaadiidka gurmadka degdeg ah oo daabulaya meydad iyo dhaawacyo ku waxyeeloobay dhacdadani.

Dhibaneyaaasha ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay ku jiraan dad Soomaaliyeed maadaama ay jiraan tahriibeyaal Soomaali ah oo halkaasi ku sugan iyo qaar kale oo dalkaasi deganaa.

Sidd ay sheegtay Qaramadda Midoobay, xerooyinka barakacyaasha Tripoli waxaa ku sugan in ka badan 6,000 oo qaxooti ah kuwaasi oo kasoo kala jeeda wadamo ay ku jiraan; Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa faraceeda Liibiya taasi oo cambaareysay weerarkii ugu dambeeyay ayaa shaacisay in goobta la beegsadey ay hoy u ahayd 616 ruux oo magan-galyo doon ah.

Colaada Liibiya ayaa sanado jirsatey iyadda oo dagaalka ka socda wadankaasi uu u muuqdo mid aanan lagu kala adkaaney xili xoogaga dowlada kasoo horjeeda ay isa soo hubeynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM