"Qaybo kamida India kuma dhalan gabar saddexdii bil ee u dambeysay"

Image

NEW DEHLI, India – Dowladda Hindiya ayaa waxay soo bandhigtay daraasad naxdin leh oo laga sameeyay qeybo kamid ah waddankaasi.

Cilmi Baarista ayaa shaaca ka qaadey in 132 xaafad oo ka tirsan degmo ku taala dalkaasi aysan gabar ku dhalan, saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Mas'uuliyiinta ayaa waxay tilmaameen in 947 cunug oo lagu dhalay 500 xaafad, 132 kamid ah aysan Hablo ku jirin.

Xaafadahaasi aysan gabdhaha ku dhalan ayaa la sheegayaa in ay ku dhasheen 468 wiilal, taasi oo dadka ku noqotay wax layaab leh.

Daraasadda oo lasoo bandhigay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa laga sameeyay is-maamulka Uttarakhand si gaar ah degmada Uttarkashi.

Maamulka degmadda ayaa 132-da xaafad ka dhigay "qad cas" waxaana loo diray koox ka kooban 25 mas'uul oo baaritan ku sameysay dhacdadan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay sheegeysaa in tuhunka jira uu yahay in waalidiinta ay go’aansadeen in lasoo xaaqo gabdhaha.

Dalka Hindiya ayaa la sheegaa in uu kamid yahay meelaha aadka loogu tacadiyo xuquuqda dumarka, loona geysto xadgudubyo ay kamid tahay kufsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM