Qofkii ugu horeeyay oo Covid—19 ugu dhintay waddanka Kuwait

Image

KUWAIT CITY, Kuwait – Dowladda Kuwait ayaa Sabtidii waxay shaaca ka dhigtay geeridii ugu horeysay oo ka dhalatay Coronavirus xili wadarta guud ee kiisaska ay ku dhow yihiin 500 [shan boqol].

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka, Abdullah al-Sanad, ayaa wuxuu soo wariyey in muwaadin u dhashay Hindiya oo 46-sano jir ah uu dalkaas ugu dhintay fayruskaas safmareenka ah.

Wakaalada wararka u faafisa xukuumadda ee KUNA ayaa tilmaamtay in kaliya shalay la xaqjiyey kiisas cusub oo gaaraya lixdan iyo laba [62].

Al-Sanad ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in dadka kasoo kacay caabuqa ay illaa iyo haatan marayaan sagaashan iyo saddex.

Balse ma uusan kala caddeyn hadii uu ahaa qof degaanka ah ama in uu ahaa dhowaan-gal. Si lamid ah, ma uusan sheegin hadii lagu aasi doono dalkaas ama in ay ku wareejin doonan Dehli.

Covid—19 oo bishii December ee sanadkii 2019 kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa ku faafay 181 wadan.

Guud ahaan caalamka, cudurka ayaa soo ritay in ka badan hal milyan oo ruux; waxaa u dhintay dad kor-u-dhaafaya 60-kun, waxaan kasoo kabtay 233,600, sidda ay sheegtay Jaamacada Johns Hopkins.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM