Ra'iisul Wasaaraha Canada oo xil cusub u magacaabay Axmed Xuseen

Image

TORONTO, Canada – Ra'iisul Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa wuxuu isku shaandheyn balaaran ku sameeyay Golahiisa Wasiiradda.

Isku shaandheynta ayaa waxaa ku baxay xubno, halka kuwa kale loo bedelay jagooyin kale oo ahayn kuwii ay hayeen.

Axmed Xuseen, Soomaali-Canadian, oo ahaa Wasiirkii Socdaalka ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Horumarinta Bulshadda.

Jagadda Xuseen ayaa waxaa loo xushay Marco Mendicino, kaasoo la wareegi doona xafiiska maalmaha soo aadan, sidda ay qortay saxaafadda.

Mr Xuseen oo ah Xildhibaan xeer-dejinta ka tirsan ayaa waxaa aad loogu ammaanaa in uu wax badan ka qabtay dhanka socdaalka.

Si gaar ah waxaa la sheegayaa in qaxootiga qaaradda Afrika uu albaabada u furay isla markaana mudadii uu xilka hayey ay Canada qaabishay boqolaal.

Siyaasiyiin, ururo iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada, ayaa durba waxay bilaabeen in ay hambalyo u diraan Axmed, iyaga oo u rajeeyay guul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM