Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo is-casilaya kadib geerida rayid badan

Image

BAGHDAD, Iraq – Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq, Caadil Cabdul Mahdi, ayaa jagada baneynaya, sidda uu sheegay xafiiskiisa, ka gedaal markii hal maalin gudaheeda ay ku dhinteen 40 qof banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda.

Go’aanka Cabdul Mahdi ayaa sidoo kale yimid saacado kadib wadaadka ugu sareeya Shiicada Ciraaq uu cambaareeyay in awood loo adeegsado dibad-baxayaasha oo dalbanaya in lasoo dhiso xukuumad cusub.

Wadar ahaan, ku dhowaad 400 ayaa ku geeriyootay mudaaharaadka oo socda tan iyo bishii October ee sanadkan 2019-ka.

Ciraaqiyiinta ayaa waxay dalbanayaan shaqooyin, soo afjarida musuqmaasuqa iyo adeegyadda bulshadda oo la hagaajiyo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay wararka ku saabsan in rasaas nool nool loo adeegsanayo banaanbaxayaasha, isaga oo ku baaqay "iska caabin xadidan".

Guterres ayaa ku tartarsiiyey dowladda Ciraaq in ay talaabo ka qaado cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku lug lahayd dhimashada rayidka.

Ciraaq oo sanadihii u dambeeyay kasoo kabanayey dagaalo wejiyo kala duwan leh ayna ku jiraan kuwa siyaasadeysan ayaa ku biiraya liiska wadamada Carabta ee sanadkan 2019-ka ay ka dhacayaan kacdoon ka yimid shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM