Ra'iisul Wasaaraha dalka Lubnaan oo ku dhawaaqay in uu is-casilay

Image

BEIRUT, Lubnaan – Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan, Sacad Xiriiri, ayaa ku dhawaaqay in uu is-casilay Talaadada maanta ah.

Xiriiri oo kasoo muuqday telefishinka dowladda ayaa shaaca ka qaadey in uu shaqada uga tagay codsiga isbedel doonta ee banaanbaxayo muddo todobaad ah ka socday magaala madaxda Beirut.

"Iskama qarin karo tani. Waxaan gaarey heerkii heerka dhamaadka dhismashada," ayuu ku yiri khudbadiisa is-tiqaaladda.

Sacad, oo banaanbaxyadda ku sifeeyay "kuwa taariikhi ah" ayaa horey isu casilay laba jeer, isaga oo tirro saddex jeer ahna soo noqday wasiirka koowaad ee xukuumadda Beirut.

"Xulufadeyda siyaasadow, mas'uuliyaddeena maanta waa sida aan Lubnaan u badbaadin lahayn sarre-na ugu qaadi laayn dhaqaalaha," ayuu ku daray. "Fursadan maanta waa in aanan lumin".

Mudaaharaadyadda ayaa ka dhashay dhaqaale burbur degdeg ah, deyn xad-dhaaf ah iyo sare u kac ku yimid cunada muhiimka u ah nolosha bini'aadamka.

Bartamihii bishan October, xukuumadda ayaa ku dhawaaqday canshuur ay kusoo rogtay wicitaanka aaladda Whatsapp-ka oo ay wehliso shuruucyo xadidiya, balse taas waxay dhalisay banaanbaxyo culus.

Isku uu ku doonayay in uu dadweynaha ku qanciyo ayuu Xiriiri qaadey taasoo ah isku shaandheyn uu golahiisa wasiiradda ku sameeyay, balse taas ma joojin banaanbaxyadda oo sii xoogeystay.

Tan iyo markii ay bilowdeen dibad-baxyadda, Dugsiyadda iyo Bangiga ayaa albaabada u laabnaa, waxaana wehlisay wadooyinka oo xanibmay.

Sanadkan 2019 ayaa loo aqoonsan karaa "xagaagii kacdoonka dadweynaha mirro-dhalay" maxaa yeelay, dhowr dal oo isbedelo ay ka sababeen isu soo baxyo balaaran oo ay shacabka dhigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM