Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska: Hadii aad qufaceyso iska joog gurigaaga

Image

LONDON, UK – Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa diidey in uu mamnuuco kulamada dadweynaha xili uu dalkaas ku faafayo Coronavirus.

Isagoo wariyeyaasha la hadlay kadib shir degdeg ah, Boris ayaa tilmaamay in caabuqaan uu yahay kii ugu xumaa taariikhda jiilka cusub.

Qof walboo qufacaya ayuu ku waaniyey in uusan kasoo bixin hoygiisa isla markaana uu si-iskiisa ah uu isku karan-tiilo.

Mudada kariintalka ayaa ah 14 maalmood, maadaama astaamaha ay intaas ku kala caddaan karaan kadibna la xaqiijin karo.

Gudaha Ingiriiska, waxaa la qiyaasayaa in shan ilaa iyo tobban kun oo ruux uu haleelay xanuunkaas dilaaga ah.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in hadii xaaladda ay kasii darto ay dowladdu mamnuuci doonto kulamada dadweynaha.

Intaas waxaa wehlisa in la fari doono in la xiro goobaha waxbarashadda, talaabadaas oo ay qaadeen dowlado badan.

Ugu dambeyntii, ra'iisul wasaare Boris ayaa wuxuu meesha ka saarey in uu xayiraad kusoo rogi doono duulimaadyadda qaar kamid ah wadamada xiriirka la leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Siisi oo u safraya Imaaraadka kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh

Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay heshiisyadii amniga, difaaca iyo dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    09-02-2026

  • 07:35AM

Bitcoin Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday Xilli Suuqyada Caalamku Qalalaase Ku Jiraan

Falanqeeyayaasha maaliyadeed waxay sheegayaan in hoos u dhaca crypto…

  • Caalamka

    05-02-2026

  • 08:13PM