Ra’iisul wasaare diiday adeegsiga magaca cunsurigii Muslimiinta laayay

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand - Ra’iisul Wasaaraha dalka New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa wacad ku martay in ay ku dhawaaqi doonin magaca dableygii Muslimiinta xasuuqay.

Toogashadii ka dhacday labo masjid oo ku taalla magaaladda Christchurch, Jimcadii lasoo dhaafay, waxaa lagu dilay 50 ruux oo Muslimiin ah.

"Isaga wuxuu ahaa mid caqli xun, taasi waa sababta aanan ugu dhawaaqi doonin magaciisa,” ayay Ms Ardern u sheegtay baarlamaanka dalkaasi.

Brenton Tarrant, 28-sano jir reer Australia kaasi oo isku tilmaamay difaaca dadka cadaanka ah laguna eedeeyay falkaasi ayaa wajahaya maxkamadeyn.

"Isaga wuxuu ahaa argagixiso, dambiile, xagjir, balse wuxuu noqonayaa marka aan ku hadaaqno magaciisa," ayay raacisay.

Iyadda oo sii hadlaysay ayay cod dheer ku dalbatay in muuqaalada ku saabsan dhacadadii Christchurch laga saaro baraha bulshadda.

"Intii aan sheegi lahayn magaciisa, waxaa ka wanaagsan in aan xusuusano kuwa la dilay, sababtoo iyagaa mudan," ayay daba dhigtay.

Tan iyo markii uu dhacay weerarka, ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa qaaday talaabooyin naadir ah oo ay kula safatay Muslimiinta, iyada oo furitaanka khudbadeeda baarlamaanka u adeegsatay luqada Carabiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM