Ra'iisul wasaarihii hore ee Faransiiska iyo xaakiisa oo la xukumay

Image

PARIS, France – Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Faransiiska, François Fillon, iyo xaaskiisa u dhalatay Wales ayaa Isniinta maanta ah lagu riday xukunno xabsi ah.

Siyaasigaan muxaafidka ah ayaa lagu helay dambi ah in Penelope Fillon uu mushahar dhan $1.3 milyan ku siinayey lataliye baarlamaan oo aysan ahayn.

Fillon ayaa waxaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah oo saddex sano oo kamid ah laga jari doono, hadii dhaqan wanaag uu lasoo baxo inta uu xiran yahay.

Sidoo kale, haweenayda ayaa lagu xukumay saddex sano oo hadii ay lasoo baxdo dhaqan wanaag inta ay jeelka ku jirto lasii dayn doono.

Qareenadooda ayaa ku adkeystay in aysan rajo dhigi doonin, taasoo la macno ah in ay rafcaan ka qaadan doonan xukunka maxkamadda.

Maxkamadda xukunka ridday oo ku taala caasimada Paris ayaa sidoo kale waxay tobban sano ka mamnuucday François Fillon in uu xafiis dowladeed ka shaqeeyo.

Kiiskaan oo noqdey fadeexad caan-baxday ayaa sidoo kale sababay in uu burburo ololihii madaxtinimada François Fillon ee 2017-kii.

66-sano jirkaan waa siyaasigii ugu maqaamka sareeyay gudaha Faransiiska tan iyo markii Jamhuuriyadda 5aad la unkay 1958-dii oo xukun noocaan ah oo ku dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM