Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan oo damiin lagu sii daayay

Image

ISLAMBAD, Pakistan – Maxkamada Sare ee wadanka Pakistan ayaa xukuntay in damaanad lagu sii daayo Nawaz Shariif, ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi.

Nawaz ayaa la siiyay saddex todobaad, isaga oo la faray in uu si nabad-gelyo isugu soo dhiibo saraakiisha xabsiga kadib mudadaasi.

Tani ayaa ka dambeysay markii qareenadiisa ay u gudbiyeen xeer-beegtada dalab ku aadan in xorriyad la siiyo si loo daaweeyo.

Wararka ayaa sheegaya in Nawaz Shariif uu la tacaalayo xanuun dhinaca Wadnaha iyo Kilyaha ah.

Sanadkii hore ayay ahayd markii todoba sano oo xarig ah loogu riday eedaymo wax is-dabamarin uu ku sameeyay mashruuc maal-gelin.

Nawaz oo beeniyay in uu sameeyay wax qalad ah ayaa Racfaan ka qaatay xukunkaasi, inkasta oo uusan jirin go’aan kale oo soo baxay.

Maxkamada ayaa sidoo kale gaashaanka ku dhuftay codsi ku aadan in uu daaweyn dibadda u aado xili looga digay in uu isku dayo baxsasho.

"Hadii uusan si mutadhawacnimo ah isugu soo dhiibin saraakiisha xabsiga wuxuu wajihi doonaa xarig," ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan oo siyaasada wax badan kusoo jiray ayaa waxaa hareeyay eedaymo musuq-maasuq tan iyo 2013-kii, taasi oo hoos udhigtay taageerada uu ka haysto dadwaynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM