Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan oo damiin lagu sii daayay

Image

ISLAMBAD, Pakistan – Maxkamada Sare ee wadanka Pakistan ayaa xukuntay in damaanad lagu sii daayo Nawaz Shariif, ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi.

Nawaz ayaa la siiyay saddex todobaad, isaga oo la faray in uu si nabad-gelyo isugu soo dhiibo saraakiisha xabsiga kadib mudadaasi.

Tani ayaa ka dambeysay markii qareenadiisa ay u gudbiyeen xeer-beegtada dalab ku aadan in xorriyad la siiyo si loo daaweeyo.

Wararka ayaa sheegaya in Nawaz Shariif uu la tacaalayo xanuun dhinaca Wadnaha iyo Kilyaha ah.

Sanadkii hore ayay ahayd markii todoba sano oo xarig ah loogu riday eedaymo wax is-dabamarin uu ku sameeyay mashruuc maal-gelin.

Nawaz oo beeniyay in uu sameeyay wax qalad ah ayaa Racfaan ka qaatay xukunkaasi, inkasta oo uusan jirin go’aan kale oo soo baxay.

Maxkamada ayaa sidoo kale gaashaanka ku dhuftay codsi ku aadan in uu daaweyn dibadda u aado xili looga digay in uu isku dayo baxsasho.

"Hadii uusan si mutadhawacnimo ah isugu soo dhiibin saraakiisha xabsiga wuxuu wajihi doonaa xarig," ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan oo siyaasada wax badan kusoo jiray ayaa waxaa hareeyay eedaymo musuq-maasuq tan iyo 2013-kii, taasi oo hoos udhigtay taageerada uu ka haysto dadwaynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM