Najib Razak oo lagu helay dambiyo dhaawacaya mustaqbalkiisa

Image

KUALA LUMPUR, Malaysia – Ra'iisul wasaarihii hore ee Malaysia, Najib Razak, ayaa waxaa lagu helay todoba dacwadood oo musuqmaasuq ah oo lagu soo oogay, talaabo dhaawaceysa mustaqbalkiisa siyaasadeed.

67-sano jirkaan soo noqdey wasiirka maaliyadda ayaa lagu helay dambiyo ay kamid yihiin in ay ku tuntay awooda isla markaana uu si shaqsi ah u isticmaalay lacag uu kala baxay khasnada dowladda, isagoo is-dabamarinaya.

Garsoore Mohd Nazlan Ghazali oo xukunka shaaciyey ayaa xusay in qareenada Razak ay ku fashilmeen in ay sababeeyaan 9.8 milyan oo akoonkiisa gaarka lagu shubay markii laga soo bixiyey Baanka dowladda.

Mohd oo tibaaxay in Razak uu “si ka baxsan awoodiisa u dhaqmay” isla markaana uu bixiyey deymo badan "uu ka faa’iideystay qaamamka la ogolaaday”.

Xukunka oo maanta ka dhacay Maxkamadda Sarre ee Kuala Lumpur ayna banaanka joogeen taageereyaasha Najib wuxuu yimid maalin kadib markii lagu amray in uu dhiibo 400 milyan oo canshuur ah oo uusan bixin.

Najib Razak oo horey dhowr jeer u beeniyey eedeymahan musuqa ayaa wajahaya tobanaan sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo malaayiin Doolar ah. Balse, jeelka waxaa ka badbaadin kara da’diisa.

Siyaasiyiin iyo dadweyne ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamadda, waxaana ay ku qeexeen talaabo horey loo qaadey oo xoojineysa cadaaladda.

Fadeexada hareysay Najib ayaa la xiriirta mashruuc horumarin ah oo sanduuqa dowladda Malaysia leedahay, waxaana la sheegay in lacagtaas uu xaday uu u isticmaalay arrimo siyaasadeed iyo iibsashada hanti gaara.

Dacwadaha muuqda ee loo haysto Najib waxaa kamid ah; in uu 550 milyan kala soo baxay mashruuca horumarinta dowladda iyo in uu isku dayey in uu is hortaago warbixinta hantidhowraha taas oo ku tagrifal awoodeed ah.

Iyaddoo fadeexadaan ay sababtay in ay meesha ka baxdo dowladiisa May, 2018 kadib banaanbaxyo shacabka abaabulay, kiisas kale oo aan lasoo bandhigin ayaa jira, kuwaas oo badankooda la xiriira xatooyadda xoolo dadweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM