Ruushka oo shaki geliyay "geerida aan carabka lagu adkeyn" ee Baqdaadi

Image

MOSCOW, Russia – Kadib markii Mareykanku shaaciyey in uu dhintay Abuubabar Al-Baqdaadi, hogaamiyihii ururka Daacish, ayaa waxaa shaki geliyay Ruushka.

Sidda ay ku warameyso wakaaladda AFP, wasaaradda gaashaandhiga Ruushka, ayaa sababta tuhunkeeda ku sheegtay "geerida oo aan carabka lagu adkeyn".

Madaxweyne Donald Trump ayaa xusay in Baqdaadi uu ku dhex-dhintay god dhulka hoostiisa ku yaala halkaas oo uu isku qarxiyey kadib duulaanka.

Howlgalka oo habeenimadii Sabtida la qaadey ayaa wuxuu ka dhacay magaaladda Iblib, waqoyga Suuriya, gaar ahaan meel dhowr mile u jirtay xadka Turkiga.

Trump ayaa wadamo ay ku jiraan Ruushka, Turkiga, Suuriya, Ciraaq iyo Kurdiyiinta uga mahadceliyay doorka ay ka qaateen khaarijinta horjoogahaan sarre.

"Wuxuu waqtiyadiisii ugu dambeeyay ee aduunka uu ku qaatay isaga ka cabaadaya ciidamada iyo eersiga Eeyadeena iskuna deyaya in uu baxsado," ayuu yiri.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa wuxuu si furan kaga jawaabay warka ku aadan dhimashadda Abuubabar Al-Baqdaadi.

Boris Johnson ayaa ku sifeeyay "shaqsi muhiim u ahaa dagaalkeena ka dhanka ah argagixisada". Balse wuxuu ka digay "in gulufka Daacish uusan wali idlaan".

"Waxaan kala shaqeyn doonaa xulufadeena sidii aan u soo afjari lahayn falalka wuxushnimada ah ee Daacish iyo dhamaantooda," ayuu soo dhigay Twitter-ka.

Kooxdiisa ISIL ayaa illaa iyo haatan waxa aysan ka fal-celin akhbaartaan, wallow baraha taageera kooxda ee bulshadda ay "sugayaan xaqiijinta ururkooda".

Al-Baqdaadi oo ay la dhinteen saddex kamid ah caruurtiisa ayaa ku geeriyooday 48-sano jir, wuxuuna Amiirka Daacish ahaa shantii sano ee u dambeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM