Ruux doonayey in uu Toorey ku dilo Donald Trump oo la qabtay

Image

WASINGTON, US – Ciidamadda ammaanka ayaa Sabtidii banaanka Aqalka Cad waxay ka qabteen nin doonayey in uu Toorey ku dilo madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump.

Roger Hedgpeth, oo 25-sano jir ah, ayaa lagu waramay in uu watay mindi dhirarkeedu gaarayo 1.5 Inji.

Wargeyska afka dheer ee Daily Mail ayaa baahiyey in saraakiisha dharcada ay gacanta ku dhigeen ruuxaan.

Hedgpeth ayaa la tilmaamay in loo qaadey isbitaal si loo hubiyo hadii xaalad caafimaad oo maskaxda ah uu qabo.

"Hase ahaatee, xiliga uu ninkaan qorsheystay weerarka, madaxweynaha qorshaha ma ugu jirin in uu dibadda u soo baxo," ayuu jaraa'idka kasoo xigtay sarkaal ka gaabsaday magaciisa.

Dhacdooyin noocaan ah oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay laga soo wariyay banaanka hoyga looga arimiyo Ameerika.

Tani ayaa ku qasabtay saraakiisha nabad-gelyadda Aqalka Cad in ay wax ka bedelaan qaabka loo sugo amniga dhismaha, iyaddoo xeendaabka lagu soo daabulay ciidamo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM