Ruux lagu helay abaabulka shirqool ka dhan ah xafiisyada QM oo la tarxiilay

Image

WASHINGTON, US – Nin reer Suudaan ah loona xukumay abaabulka weeraro ka dhan ah dhismeyaal ku yaala Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa UN-ka leeyahay ayaa la musaafuriyay markii uu 20-sano xabsi ku qaatay.

Amir Abdelghani, 59-sano jir, oo Mareykanka ka baxay 12-kii October ayaa lagu wareejiyay mas'uuliyiinta dalkiisa, sidda ay war-saxaafadeed ku shaacisay Waaxda Socdaalka iyo Kastamadda ee Mareykanka.

Shaqsigan ayaa kamid ahaa tobban ruux kuwaasoo loo xukumay shirqoolkii 1996 uuna hogaaminayey wadaad Masaari ah, Sheekh Cumar Cabdiraxmaan, kana dhan ahaa xafiisyadda UN-ka, FBI-da iyo xarumo ganacsi oo New York ku yaala.

Xubnaha ku lug-yeeshay ayaa waxaa ku jira Abdelghani ina-adeerkiis, Fadil Abdelghani, kaasoo garka loo geliyay 25-sano oo xarig ah, loona tarxiilay waddankiisa Suudaan sanadka markii uu ahaa 2015-kii.

Qorshaha weerarka ayaa ahaa qaraxyo gaari oo lagu beegsado xafiisyada Qaramada Midoobay ee New York, laba taallooyin iyo dhismeyaal ay leedahay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano FBI-da.

Balse mukhaabaraadka oo helay xogtooda ayaa waxay keentay in dhowr qof oo kooxdooda kamid ahaa lasoo qabto kahor diyaarinta duulaanka.

Ciidamada Mareykanka ayaa sanadkii la qabaneyay raggan aad u feejignaa maadaama xagaagaas weerar loo adeegsaday qarax lagu soo rakibay gaari xamuul ah lagu beegsaday xarunta ganacsiga aduunka ee New York.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku naf-weysay falkaas, balse waxaa nan wax burbur ah uusan soo gaarin dhismihii loogu talogalay.

Sanadkii 2001-dii, garyaqaan ka tirsan Waaxda Socdaalka ayaa wuxuu amar ku bixiyey in Abdelghani laga musaafuriyo guud ahaan Mareykanka.

Bishii July 2019-ka ayaa waxa uu dhameystay xukunkii garka loo geliyay, taasoo soo dedejisay in waddankiisa hooyo dib loogu celiyo, halkaas oo sida ay xaaladiisa ay ku dambeyn doonto uu dabageli doono Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM