Ruuxaani oo shuruud adag ku xiray in uu la kulmo Donald Trump

Image

TEHRAN, Iran – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iiraan ayaa durbadiiba wuxuu ka fal-celiyay hadalkii saacado kahor kasoo yeeray dhigiisa Mareykanka.

Donald Trump oo ka hadlayey shirka G7 ee ka socda dalka Faransiiska ayaa shaaciyay in ay suurtogal tahay in uu la kulmo Xasan Ruuxaani.

Balse, Ruuxaan oo gebi ahaanba meesha ka saarey ayaa tibaaxay in kaliya kulmi karaan Trump marka uu qaado cunaqabeynta uu saarey Tehran.

Isaga oo u muuqda mid aad uga war-haya in ay shuruudaasi oo kale imaan doonto, Trump ayaa carabka ku dhuftay in aysan qaadi doonin xayiraadaasi.

Washington iyo Tehran ayaa gorada waxay isugula jiraan tan iyo markii uu Trump ka baxay heshiiska caalamiga ah ee dhinaca Nukliyeer-ka.

"Waan la hadleynaa, hadii Mareykanka uu qaado cunaqabeyntiisa sharci daradda iyo aan cadda lahayn ee uu Iiraan kusoo rogay," ayuu yiri Ruuxaani.

Iyadda oo Mareykanka ka baxay Axdigaasi, haddana waxaa baaqi kusii ah wadamada Yurub, kuwaasi oo doonaya in ay badbaadiyaan heshiiska.

Cunaqabeynta Trump ayaa waxaa la sheegay in waxyeelo daran gaarsiisay dhaqaalaha Iiraan, kaasi oo hoos u dhac weyn uu ku yimaadey.

"Waan sii wadaynaa heshiiska, hadii danaheeda maalgelinta la damaanad qaado. Tehran marnaba ma dooneyso hub Nukliyeer," ayuu ku daray Ruuxaani.

Sikastaba, Trump iyo Ruuxaani ayaa la filayaa in ay kasoo wada muuqdan kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaasi oo qabsoomaya bisha September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM