Netanyahu oo lagala cararey goob lagu soo tuurey Gantaal

Image

JERUSALEM, Israel —  Dalka Israa’iil ayaa wuxuu Arbacadii sheegey in gantaal laga soo tuurey koonfurta Gaza uu sababey in Ra’isal wasaare Netanyahu lagala cararo goob uu ka jeedinayey hadal.

Sarakiisha ammaanka ayaa tilmaaamay in nidaamka difaaca loo yaqaan Iron Dome uu hawada ku toogtey gantaalkaan, kaas oo aan gaysan wax khasaaro ah.

Mid kamid ah jaraa'idka ka soo baxa dalkaas, Haaretz, ayaa baahiyey muuqaal muujinaya Netanyahu oo loo kaxeeyey meelaha lagaga gaashaanto duqeymaha noocaan ah.

Ra’iisal wasaarada dalkaas ayaa ku jirey olele doorasho uu xisbigiisu ka sameynayey magaalada la yiraahdo Askelon.

Saacadihii hore ee Khamiista, diyaaradaha Yahuuda ayaa weerar cirka ah ku qaadey saldhigyo Xamaas ku leedahay Gaza. Ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegey.

Bishii September, ayay ahayd markii dhacdo noocaan ah horey qabsatay Ra’iisal wasaare Netanyahu xilli uu olale ka waday magaaladda Ashdod.

Ma jirto koox ka tirsan ururada Falastiin oo sheegtey mas’uuliyada gantaalkaan la soo tuurey maalinimadii Arbacada. Xamaas waxay maamushaa qaybo kamid ah dhulka Falastiin.

Weeraradaan oo sababa in Israa’iil ka falceliso ayaan sababin ineysan burburin ku timaadda xabad joojin dalka Masar ka shaqeeyey bishii lasoo dhaafay ee November ee sanadkan sii idlaanaya ee 2019.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM