Sababta uu maalqabeen kaga haray tartanka xil ra'iisul wasaarenimo

Image

BEIRUT, Lebanon – Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo Ganacsiga Lebanon, maal-qabeen Maxamed Safadi, ayaa wuxuu ka haray tartanka ra'iisul wasaarenimo ee dalkaas, sidda ay wararku sheegayaan.

War-saxaafadeed uu soo saarey ayuu ku sheegay in uu arkay "caqabado khatar ah" oo ku geedaaman dhismaha dowlad cusub maadaama uu is-casilay wasiirkii koowaad ee Golaha Wasiirada dalkaas.

Safadi oo 75-sano jir ah ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha is-casilay ee Sacad Xiriir uu ku fekerayo in uu mar kale qabto.

Xiriiri ayaa 29-ka bishii October si lama filaan ah isku casilay kadib mudaaharaad ka bilowday canshuur lagu soo rogay adeegsiga aalada WhatsApp-ka, Gaaska cunada lagu karsado iyo maciishada.

Illo wareedyo warbaahineed ayaa xaqiijiyey in Safadi ay taageersan yihiin saddex kamid ah isbaheysiyada waaweyn.

Siyaasiga baratanka isaga haray kaasoo xubin ka tirsan baarlamaanka soo ahaa ayaa Wasiirka Maaliyadda ahaa intii u dhaxeysay 2011 illaa iyo 2014, gaar ahaan xukuumadii ra'iisul wasaare Najib Mikati.

Talaabadan uu qaadey Safadi oo hadalheyn badan keentay ayaa la sheegayaa in ay wax badan ka bedeli doonto loolanka loogu jiro xilka ra’iisul wasaaraha maadaama uu ku jiray ragga ugu cad-cad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM