Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan oo ku heshiiyay in ay si wadajir ah isaga difaacaan weerar kasta
MAKKAH – Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa Jimcihii magaalada Makkah ku saxiixay Heshiiska Difaaca Wadajirka ee Makkah, kaas oo dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
Heshiiska waxaa saxiixay Dhaxal-sugaha isla markaana ah Ra’iisul Wasaaraha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Muhammad Shehbaz Sharif, intii uu socday Shir Madaxeedka Difaaca Wadajirka ee Makkah oo lagu qabtay Qasriga Al-Safa.
Erdoğan iyo Shehbaz Sharif ayaa booqday Sacuudi Carabiya kadib casuumaad uu u fidiyay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis, waxaana Makkah ku soo dhaweeyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada.
Hoggaamiyeyaasha saddexda dal ayaa dib u eegay xiriirka dhow ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay arrimo badan oo dan guud ah.
War-murtiyeed wadajir ah ayaa lagu sheegay in heshiisku uu ku saleysan yahay xiriirka taariikhiga ah ee saddexda dal, midnimada Islaamka, danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan iyo iskaashiga difaaca ee soo jireenka ah.
Heshiiska ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo awoodda wadajirka ah ee ka hortagga weerarrada, iyadoo lagu heshiiyay in weerar kasta oo hubeysan oo lagu qaado hal dal loo tixgelin doono inuu yahay weerar ka dhan ah dhammaan saddexda dal.
Sidoo kale, heshiisku wuxuu dhigaya in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada, isdhaafsiga xogta amniga iyo horumarinta awoodaha milatari ee saddexda waddan.
Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa sheegay in heshiiska uu muujinayo sida ay uga go’an tahay xoojinta amniga wadajirka ah iyo ka qeyb qaadashada nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka iyo caalamka, iyagoo sheegay inay ka shaqeyn doonaan dhismaha mustaqbal ammaan iyo barwaaqo leh.
GAROWE ONLINE