Iran oo ka hadashay in ay wada hadalo la yeelaneyso Sacuudiga

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Dowladdaha Sacuudiga iyo Iiraan ayaa talaabo wanaagsan oo hore u socod ah u qaadaya wada hadalo aan toos ahayn oo ay yeeshaan, sidda laga soo xigtay wargeyska New York Timies.

Warkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo dhowaan Dhaxal-sugaha Sacuudiga uu ka codsaday hogaamiyeyaasha Ciraaq iyo Pakistan in ay door ka qaataan isu soo dhowaanshiyaha wadamadan.

Riyadh iyo Tehran ayaa waxaa dhextaala xiisad culus, taasi oo sii karaar-qaadatay markii bishii September weerar sawaariiq lagu ekeeyay Ceelasha Shidaalka ee Boqortooyada Sacuudiga.

Inkasta oo falaagadda Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen falkaas haddana reer Galbeedka iyo Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Iiraan, inkasta oo ay iska fogeysay in ay wax lug ah ay ku lahayd.

Jaraa'idka ayaa baahiyey in kadib markii maamulka Trump uusan talaabo aan hadal ahayn uu qaadey uu Sacuudiga goostay in uu xal isagu raadiyo lana hadalo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay xukuumadda Tehran ayaa ku nuux-nuux saday in ay diyaar u yihiin in ay miiska wada hadalka la fariistan Sacuudiga, wallow uu meesha ka saarey in ay la hadlaan maamulka Trump.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale saarey Iiraan, taasi oo waxyeelaysay dakhliga wadankaas. Tehran ayaa wada xaajood ay Washington la gasho shuruud kaga dhigtay xayiraada oo la qaado.

Isu soo dhowaanshiyaha aan hubantida badan lahayn ee Sacuudiga iyo Iiraan ayaa meesha ka saareysa isku dhac milatari oo dhinacyadda dhexmara, wallow aanan si dhab ah loo ogayn waxa daaha gadaashiisa ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo Google ku ganaaxay $3.5 bilyan; Trump oo cambaareeyay

Go’aankani wuxuu imaanayaa in ka badan laba sano kadib markii guddigu dacwadda rasmiga ah ka gudbiyay Google.

  • Caalamka

    07-09-2025

  • 06:42AM

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM