Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka xumaaday go'aanka Qatar

Image

Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhalleeceysay Qatar diidmadeeda natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah, halka Imaaraadka ay ku eedeeyeen Doha inay dib uga guratay natiijada shirka.

Qatar oo ka qeyb-gashay kulamo saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada barakeysan ayaa axaddii ku gacan seertay qodobada kasoo baxay, ayada oo sheegtay inaan lagala tashan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa u jawaabay Qatar.

“Dalalka…waxay inta ay socdaan shir madaxeedyada ku dhowaaqaan mowqifyadooda iyo waxyaabaha ay diidan yihiin sida caadada ah ee ma aha kadib shirarka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Dhinaca kale wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa ku dhalleeceeyey Qatar inay tahay mid tabar-darran oo aan xamili karin cadaadiska.

“Waxay iila muuqataa in ka qeyb-galka shirarka iyo heshiisyada lagu gaaro kadibna laga laabto wixii la go’aamiyey ay tahay natiijada cadaadiska saaran dal aan madax-banaaneyn ama aan la isku haleyn karin” ayuu yiri.

Qatar ayaa waxaa muddo laba sano ah saaran go’doon dhaqaale oo cir iyo dhul ah oo ay geliyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain.

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM