Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo isugu yimid wada hadalo aan toos ahayn

Image

MUSCAF, Oman - Mas'uuliyiinta ayaa xaqiijiyey in wada hadalo aan toos ahayn ay u bilowdeen Sacuudiga iyo Xuutiyiinta dalka colaaduhu la dageen ee Yemen.

Wada xaajoodyadda ayaa waxay ka qabsoomayaan Cumaan, dal dhaca Khaliijka Carabta, kaasoo xuduud la leh Sacuudiga iyo Yemen.

Ujeedka wada hadalka oo ka socda daaha gedaashiisa ayaa wuxuu yahay sidii si ay u soo afmeeraan dagaalka dhimashada badan sababay ee Yemen.

Gamal Amer, sarkaal ka tirsan falaagadda Xuutiyiinta, ayaa tilmaamay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay labadda dhinac shirar ku yeeshanayeen muuqaal ahaan.

Dowlado reer Yurub ayaa wada hadaladda fududeeyay, sidda laga soo xigtay illaa iyo saddex mas'uul oo Xuutiyiinta ah kuwaas oo magacyadooda ka gaabsaday.

Wada hadalka ay dhexdhexaadineyso Cumaan ayaa bilowday bishii September markii Xuutiyiintu sheegteen weerar ka dhan ah ceelasha shidaalka Sacuudiga.

Duulaankii ugu cuslaa ayay ku beegsadeen ceelka ugu weyn shidaalka Sacuudiga. Falkaas wuxuu Mareykanka ku eedeeyay Iiraan oo gaashaanka ku dhufatay.

Wada hadalka haatan waxaa diirada lagu saarayaa yoolalka tusaale ahaan furitaanka madaarka Sanca oo Isbaheysigu Sacuudigu xiray 2016-kii.

Ajendeyaasha ayaa si lamida waxaa ku jira sidii aad nabad ah looga sameyn lahaa sohdinta Sacuudiga iyo Yemen, oo haatan ay Xuutiyiintu maamulaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM