Sacuudiga oo "maleegay shirqool ka dhan ah xaaska Jamal Khashoggi"

Image

LONDON, UK – Sacuudi Carabiya ayaa isku dayey in uu basaaso xaaska wariyihii la dilay ee Jamal Khashoggi markii ay sanadkii hore booqatay Ingiriiska, sidda lagu daabacay The Guardian.

Hatice Cengiz, oo 38-sano jir ah, ayaa bishii May tagtay UK, waana bilooyin kadib markii la khaarijiyey saxafi Khashoggi.

Jaraa'idka ayaa intaas ku daray in Hay'addaha Sirdoonka Mareykanka oo xogtaan helay ay dhigooda Britain ka codsadeen in ay si gaar ah isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqa Hatice Cengiz.

Warbixinta ayaa xustay in aysan kala caddeyn hadii dabagalka Cengiz uu yahay mid caadi ah ama in loo adeegsanayo qalab isgaarsiineed oo casri ah kaasoo meesha ay joogto sheegaya.

Arrintaan ayaa kusoo shaac-baxaysa iyaddoo dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salaan, lagu eedeeyay in uu u dhacay xogta mulkiilaha wargeyska Washington Post ee Jeff Bezos.

Xukuumada Riyadh ayaa durba meesha ka saartay isla markaana beenisay eedeymahaan oo ruxay Boqortyadda.

Khashoggi, oo mucaarad ku ahaa Bin Salmaan, ayaa bishii October, 2018, lagu dhex-dilay gudaha safaarada Sacuudiga ee magaalada Ankara, talaabadaas oo sababatay cambaareyn caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM

Safarka JD Vance ee Switzerland oo dib u dhacay, iyadoo xiisado cusub ay hareeyeen heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Vance ayaa maalmihii la soo dhaafay si xooggan u difaacayay heshiiska ay kala…

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 07:19AM