Sacuudiga oo tarxiilay in ka badan sideed boqol oo Soomaali ah

Image

RIYADH, Sacuudiga – Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxay musaafurisay in ka badan sideed boqol [800] oo Soomaali ah, sidda ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka falaagadda Xuutiyiinta.

Sidda ku xusan warbixinta, muwaadiniintaas oo ku sugan magaaladda xuduudka dhacda Hazm ayaa wajahaya "xaalad saboolnimo".

Mas'uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay la xiriireen Jaaliyadda ku sugan Yemen ayaa soo wariyey tirro intaas la eg, wallow ay ka gaabsadeen in ay warbaahinta ula hadlaan si furan.

Hase ahaatee, isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee dagaalka ka wadda waddanka Yemen ayaa beeniyey warbixinaddaas.

Illaa iyo haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee xukuumadda fadhigeedu yaahy Riyadh ay u soo tarxiishay muwaadiniintan Soomaaliyeed.

Sacuudiga oo kamid ah wadamada caalamka ee Soomaalida ay u shaqo tagaan ayaa dalkaas kala kulma cadaadis iyo tarxiil joogto ah, arritaas oo aysan waxba ka qaban xukuumada Muqdisho.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysaa xilli fayruska Corona uu si baaxad leh ugu faafay Sacuudiga isla markaana laga xaqiijiyey in ka badan 41-kun isla markaana dhimashadda ay sii mareyso 255 oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo Sheegtay Inay Nukliyeerkeeda Ku Difaacayso Sacuudiga 

Asif ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Israa’iil, isagoo sheegay in, “Isra’iil, in kastoo ay tahay quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:56AM

Maraykanka oo Veto Ku Hor Istaagay Qaraar Xabbad-joojinta Gaza lagu Dalbanayey

Waxaa la filayaa in dalal ay ka mid yihiin UK iyo Faransiiska ay halkaas ku aqoonsadaan dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:40AM