Salmaan bin Cabdulcasiis: Boqorka Sacuudiga oo qaliin lagu sameeyay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqorka Sacuudiga, Salmaan bin Cabdulcasiis, ayaa lagu guuleystay qaliinkii looga sameeyay kaadi-hayste, sidda ay Khamiista maanta ah warisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Wakaalada wararka Sacuudiga ee SPA ayaa shaacisay in boqorka uu baaqi kusii ahaan doono isbitaalka uuna qaadanayo daawo dheeriya.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, qaliinka lagu sameeyay 84-sano jirkaan ayaa lagu guuleystay, waana mid xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa hogaaminaya Sacuudiga oo ah dalka kaalinta koowaad kaga jira soo saarista Shidaalka tan iyo 2015-kii.

Sacuudiga ayaa xulafo dhow la ah Mareykanka oo ay iska kaashadaan sidii loo wiiqi lahaa awooda soo koreysa ee Jamhuuriyadda Iran.

Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii boqorka la dhigay Isbitaal ku yaala caasimadda Riyadh, halkaas uu ka gudoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda, iyaddoo uu dhinac fadhiyo wiilkiisa Maxamed.

Maxamed bin Salmaan ayaa ah dhaxal-sugaha boqorka Sacuudi Carabiya, wallow durba ay soo ifbaxayaan dhaleeceymo loo jeedinayo.

Eedeymaha hareeyay mudada uu yahay dhaxal-sugaha ayaa waxaa kamid ah beegsashadda mucaaradkiisa siyaasadda oo uu kamid ahaa Jamal Khashoggi, oo ah wariye lagu dhex-dilay qunsulyadda Sacuudiga ee Istanbul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM