Salman bin Abdulaziz: Boqorka Sacuudi Carabiya oo Isbitaal la dhigay

Image

RIYADH, Sacuudiga – Boqorka Sacuudiga, Salmaan bin Cabdicasiis oo isbitaal la dhigay ayaa wajahaya xanuun dhinaca kaadi haysta ah, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka dowladda SPA, 84-sano jirkaan xukunka haya tan iyo 2015-kii ayaa lagu sameynayaan baaritaan. Ma jiro fahfaahin intaas ka baxsan oo laga bixiyey xaaladiisa.

Ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Mustafa al-Kadhimi, sidda uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, ayaa baajiyey socdaal uu ku tegi lahaa Riyadh kadib markii isbitaal la seexiyey Boqor Salmaan.

"Inagoo qirsan ahmiyadda socdaalka iyo sidda ay nooga go'an tahay in uu guuleysto, hogaankeena uu ku dhiiran yahay iskaashiga walaalihiisa Ciraaq ayaan go'aansanay in la baajiyo booqashada," ayuu Amiir Faysal bin Farxaan uu kusoo qoray boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Kahor inta uusan noqon boqor, Salmaan ayaa laba sano iyo bar ahaa dhaxal-suge iyo ra'iisul wasaare ku xigeen laga soo bilaabo June 2012-kii illaa iyo boqorka waddankaas uu ka noqdey.

Sidoo kale, gudoomiyaha gobolka Riyadh ayuu soo ahaa in ka badan 50-sano. Wiilkiisa, Maxamed Bin Salmaan oo loo garan og-yahay MBS, ayaa qorshuhu yahay in uu ku wareejiyo xilka u hadda ku fadhiyo.

Dhaxal-sugaha awooda badan ayaa ammaan badan ka helay gudaha dalkiisa, isagoo qaadey xayiraadihii bulshadda, xuquuq baddana siiyey dumar, balanqaadeyna isbedel dhanka dhaqaalaha.

Balse, waxaa isa soo taraya dhaliilaha loo jeedinayo oo ku saabsan in uu beegsanayo mucaaradkiisa dhanka siyaasadda. Dilkii wariyihii Sucuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi ayaa kamid ah eedaha.

Maxamed bin Salmaan ayaa wuxuu si ku celcelis ah u beeniyay in uusan amrin dilka saxafiga oo dhaxay 2018-kii. Balse, wuxuu tilmaamay in uu isaga qaadanayo mas'uuliyada maadaama uu xafiiska joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM