Saraakiil boolis ah oo lagu dilay weerar ay dabley ku qaadey kolanyo

Image

MEXICO CITY, Mexico – Ugu yaraan 13 sarkaal boolis ayaa lagu dilay magaaladda Michoacan ee waddanka Mexico, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Dabley hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa ka dambeeyay falkan, kuwaasi oo durba meesha ka baxsaday.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta ka dambeysay khaarijinta askarta, balse mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in ay baaritaan ku wadaa.

"Kolanyo ay la socdeen xoogaga dowladda ayay kadiyeen…iska hor-imaad ayaa dhacay," ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamadda.

Dad shacab ah ayaa lagu waramayaa in uu dhaawacyo kasoo gaaray weerarka oo ay si lamid ah ku waxyeeloobeen sagaal sarkaal kale.

Gobolka dhacdadan laga soo wariyey ayaa sooyaal u leh dambiyadda noocaan ah, waxaana dowladdu ku dedaaleysaa sidii ay uga hortagi lahayd.

Mexico oo ah dal ku yaala waqoyga Ameerika ayaa safka hore kaga jirta wadamada ugu badan ee suuq hoose loogu iibiyo maandooriyeyaha.

Mareykanka oo ay deris yihiin ayaa darbi ka dhisaya xuduudka si uu kaga hortago qulqulka soo galootiga iyo maandoriyaha oo dhibaato ku ah nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM