Saraakiil qabtay gacan ku dhiigle Muslimiin laayey oo la abaalmariyey

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand – Laba sarkaal oo ka tirsan booliska New Zealand kuwaas oo noloshooda khatar u geliyey qabashadda nin lagu eedeeyay in uu laba Masjid ku dilay 51 qof ayaa lagu abaalmariyey biladda geesinimadda.

Intii lagu guda jiray weerarkii argagixiso ee ka dhanka ahaa Muslimiinta todoba bilood kahor, saraakiisha ayaa waxay si qasab ah ku u joojiyeen gaariga oo marayey waddo ku taala Christchurch, kana soo saarey gacan ku dhiiglaha.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ku guuleystay baajinta weerar kale oo Brenton Tarrant qorsheynayay in uu ku beegsato Masjid kale oo ku yaala Ashburton.

Magacyadda saraakiisha ayaa la khariyey sababo ku aadan in aanan la qoonsan. Balse waxaa gudoonsiisay ra'iisul wasaare Jacinda Ardern kadib munaasabad qaas ah oo ka qabsoontay Madaxtooyadda.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska booliska, saraakiisha ayaa aad ugu faraxsan shaqadda ay qabteen, waxayna sidoo kale ka mahad-celiyeen abaalmarinta qiimaha badan ee la gudoonsiiyey.

Ardern ayaa ku boorisay saraakiisha kale ee ciidanka ka tirsan in ay ku daydaan labadda xubnood oo ay xustay in mudnaan gaar ah la siin doono.

Tarrant, oo xabsi ku jira isla markaana ah 28-sano jir ah cadaan xagjir ah, kaasoo u dhashay Australia ayaa waxaa lagu soo oogay 51-dacwad oo dil ah, 40 eedeymo oo isku day dil ah iyo hal dacwad oo argagixisinimo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM