Sawirada goobihii saliida Sacuudiga ee la duqeeyay oo la baahiyey

Image
Image

WASHINGTON, US – Warbaahinta wadanka Mareykanka ayaa waxay baahisay sawirro ku sheegeen goobaha ugu weyn Saliida Sacuudiga ee la duqeeyay.

Mas'uuliyiinta ayaa rumeysan in caddeymaha ay haatan muujinayaa in saraawiiqda lagu ganay xumahaasi ay ka yimaadeen midkood Iiraan iyo Ciraaq.

Waxay kaloo aaminsan yihiin in aysan lahayn weeraro ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay adeegsadaan falaagada Xuutiyiinta Yemen.

Dhinaca kale, illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay xukuumadaha fadhigoodu yahay magaalooyinka Washington iyo Riyadh.

Dhanka kale, xukuumadda Tehran ayaa waxay iska fogeysay eedeymo ku aadan in ay ka dambeyso weeraradaasi, oo ay ku sifeyso kuwa aanan macno lahayn.

Xarumaha la duqeeyay ayaa waxaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa ugu weyn ee laga soo saaro shidaalka loo iib-geeyo meelo kala duwan oo caalamka ah.

Kadib dhacdadaasi, waxaa jirta cabsi ku aadan in uu sarre u kac ku aadan qiimaha shidaalka dunida, maadaama goobtaasi laga soo saaro Saliida aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM