Sawirada goobihii saliida Sacuudiga ee la duqeeyay oo la baahiyey

Image
Image

WASHINGTON, US – Warbaahinta wadanka Mareykanka ayaa waxay baahisay sawirro ku sheegeen goobaha ugu weyn Saliida Sacuudiga ee la duqeeyay.

Mas'uuliyiinta ayaa rumeysan in caddeymaha ay haatan muujinayaa in saraawiiqda lagu ganay xumahaasi ay ka yimaadeen midkood Iiraan iyo Ciraaq.

Waxay kaloo aaminsan yihiin in aysan lahayn weeraro ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay adeegsadaan falaagada Xuutiyiinta Yemen.

Dhinaca kale, illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay xukuumadaha fadhigoodu yahay magaalooyinka Washington iyo Riyadh.

Dhanka kale, xukuumadda Tehran ayaa waxay iska fogeysay eedeymo ku aadan in ay ka dambeyso weeraradaasi, oo ay ku sifeyso kuwa aanan macno lahayn.

Xarumaha la duqeeyay ayaa waxaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa ugu weyn ee laga soo saaro shidaalka loo iib-geeyo meelo kala duwan oo caalamka ah.

Kadib dhacdadaasi, waxaa jirta cabsi ku aadan in uu sarre u kac ku aadan qiimaha shidaalka dunida, maadaama goobtaasi laga soo saaro Saliida aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM