Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Image

WASHINGTON — Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa Arbacadii shalay diiday hindise sharciyeed lagu doonayay in lagu xaddido awoodda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aaddan dagaal uu la galo Iran iyada oo aan oggolaansho laga helin Congress-ka.

Hindisaha, oo ay soo bandhigeen xubnaha Dimuqraaddiga, ayaa ujeedkiisu ahaa in la xakameeyo weerarrada militari ee ka dhanka ah Iran, iyadoo laga doonayay in oggolaansho rasmi ah laga helo Congress-ka si loo sii wado howlahaas. Hindisaha ayaa ku dhacay cod dhan 53–47, iyadoo 53 senator ay diideen.

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.
“Ma naqaan ujeeddooyinka Donald Trump. Ma naqaan waqtiga uu qorsheynayo. Xitaa ma naqaan waxa uu guul u arko,” ayuu yiri.

Senator-ka Rand Paul ayaa noqday Jamhuuriga keliya ee taageeray hindisaha, halka John Fetterman uu ahaa Dimuqraaddiga keliya ee ka hor yimid.

Codeyntan ayaa ahayd isku daygii labaad ee Dimuqraaddigu ku doonayaan in Congress-ku ka qaato mowqif rasmi ah dagaalka furan ee Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iran, kaasoo billowday dabayaaqadii bishii hore.

Xeerka awoodaha dagaalka ee la ansixiyay 1973, oo loo yaqaan War Powers Resolution, ayaa faraya Madaxweynaha Mareykanka inuu oggolaansho ka helo Congress-ka ka hor inta uusan dagaal ku dhawaaqin, isla markaana uu horey uga war geliyo tallaabooyinka militari.

Dimuqraaddigu waxay ku doodaan in dagaalka uu Trump kula jiro Iran uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana maamulka uu ku guuldareystay inuu si cad ugu sharaxo Congress-ka iyo shacabka sababaha dagaalka.

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa tan iyo 28-kii Febraayo sii waday duqeymo ay ku hayaan Iran, halka Iran ay ka jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ay ku bartilmaameedsatay Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Khaliijka ee ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo burbur kaabeyaasha dhaqaalaha, isla markaana saameyn ku yeelatay suuqyada caalamka iyo duulimaadyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM