Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Mareykanka oo geeriyooday

Image

WASHINGTON, US – Mudane ka tirsan xubnaha xisbiga dimoqraadiga ku metela Aqalka Sarre ee Mareykanka, Elijah Cummings, kaasi oo aad ugu lug-lahaa mooshinka xilka ka qaadista Trump, ayaa dhintay isaga oo 68-sano jir ah.

Xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday in uu u geeriyooday max-suulka "dhibaato caafimaad oo in muddo ah uu la il-darnaa".

Gudoomiyaha Guddiga Kormeerka iyo Dib u habeynta Xukuumadda ee Golaha Wakiilada Mareykanka, ayaa isku dabariday baaritaano ka dhan ah maamulka Trump.

Loolanka liddiga u ah siyaasadaha daryeelka caafimaadka iyo socdaalka ayuu sidoo kale safka hore kaga jiray Elijah Cummings.

Xubno dhowr ah oo kamid ah xeer-dejinta Mareykanka ayaa tacsi u diray eheladda, iyaga oo ku bogaadiyey kaalintiisa dowladnimada.

Horaantii sanadkan, iyadda oo lagu guda jiray dood ku saabsan qabashada soo galootiga, Mr Cummings ayaa duray Sii-haayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kevin McAleenan, isaga oo ku sifeeyay "mid aanan naxariis-laabe ah".

Trump oo todobaad kadib ka fal-celiyay hadaladaas ayaa Xildhibaanka ku tilmaamay "jiir [dooli] xanaaqsan oo madax kuusan leh".

Sharcidejiyeyaal kala duwan oo kamid ah xisbiga diqmoraadiga kuwaas oo u muuqda in ay taageero weyn u muujinayaan Elijah Cummings ayaa erayadda kasoo yeeray Trump waxay ku qeexeen kuwa ku dheehan "cunsuriyad".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM