Shacabka Ukraine oo kala dooranaya majaajiliste iyo maal-qabeen

Image

KYIV, Ukraine – Shacabka dalkaan ku yaalla bariga qaaradda yar ee Yurub oo dareerayaan goobaha cod-bixinta 12 saacood kadib ayaa dooranaya madaxwaynaha soo aadan.

Murashaxiinta ayaa kala ah; maal-qabeen Petro Poroshenko, madaxwaynaha waqti ka idlaaday, iyo majaajiliste Volodymyr Zelensky oo ku cusub siyaasada.

Kahor cod-bixinta labadooda waxay kasoo muuqdeen fagaaro, halkaasi oo ay ku doodeen markii ugu horeysay.

Volodymyr, oo madaxwayne ka ah TV caan ka ah wadankaasi, ayaa qarka u saaran in uu ku guuleysto tartanka isaga ku sareeya wareega koowaad.

Maxkamad ayaa diiday in doorashada laga mamnuuco Mr Zelensky kadib cabasho ka timid murashaxiinta kale oo wax is-dabamarin ku eedeeyay.

Guuleystaha oo lagu wadaa in lagu dhawaaqo maanta oo Axad ah ayaa noqon doona madaxweynaha shanta sano ee soo aadan.

Jagadaasi ayaa waxaa ay leedahay awood aan caadi ahayn oo ah in uu maamulayo madaxwayne, siyaasada amniga, gaashaandhiga iyo tan arrimaha dibadda oo guud ahaan wadanka Ukraine ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM