Shanta waddan ee dadka ugu badan uu ka dilay fayruska Corona

Image

NEW YORK, US – In ka badan 37,600 qof ayaa guud ahaan caalamka ugu geeriyootey cudurka Covid-19, oo ka dhasha fayruska Corona.

Sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysay, kiisaska la diiwaan-geliyey ayaa waxay kor-u-dhaafayaan todoba boqol oo kun.

Dadka ka badbaadey ka gedaal markii ay qaadeen xanuunkaas ayaa aad u hooseysa, taas oo ka dhigan in geeridu badan tahay.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa halkaan kuugu soo gudbinaya wadamada uu dadka ugu badan ka galaaftey colkaan qarsoon.

Talyaaniga: 11,591

Spain: 7,716

Shiinaha: 3,305

Faransiiska: 3,024

Mareykanka: 3,003

Sikastaba, waxaa xusid mudan in tiradda geerida ee dalka Mareykanka aynu kasoo xiganay CNN oo kamid ah telefishinka ugu afka dheer.

Intaas waxaa wehlisa, tiradda geerida Shiinaha waxaa ku dhawaaqay Guddiga Caafimaadka Heerka Qaran ee dalkaas dhaca Aasiya.

Wadamada kale waxaa xogtooda soo bandhigtay Jaamacadda Johns Hopkins oo ku taala Mareykanka, taasoo ilo kala duwan kasoo xigatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM