Shaqsi lagu tuhmayo dil oo la qabtay xilli uu kusoo jeeday Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Ciidamadda ilaalada xuduudaha waddanka Mareykanka ayaa garoonka diyaaradaha Washington Dulles ka qabtay Soomaali 34-jir ah kaasoo lagu tuhunsan yahay in uu dil ka geystay gobolka Minnesota.

Shariif Maye oo gacanta lagu dhigay 28-kii bishii hore ee August isla markaana damacsanaa in uu Turkiga uga sii gudbo Soomaaliya ayaa lagu tuhunsan yahay in uu shaqsi kale kaasoo aan la magacaabin ku dilay gaari.

Saraakiisha amniga ayaa tibaaxay in ay ka tiilay balwo ama waaran, balse ma aysan soo bandhigin talaabada xigta oo ay ka qaadayaan.

Sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah, fal-dambiyeedka looga shakisan yahay Shariif ayaa ka dhacay ismaamulka Hennepin ee Minnesota.

"Waxaa lagu xiray alaabka hore ee garoonka diyaaradaha, waxaana la dhigay Saldhiga Booliska Garoonka," ayaa ayuu yiri taliska bileyska.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Mareykanka laga soo musaafuriyey Soomaali lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana uu qariyey xogtiisa gaarka aha markii uu gudbinayey codsigiisa magan-galyada.

Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan oo lasoo tarxiilay markii uu xabsi ku qaatay laba sano ayaa sheegtey in uu Itoobiyaan yahay kuna dhaawacmay qarax dhacay sanadkii 2009-kii. Balse la ogaadey in uu ku waxyeeloobay fal uu dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM