Shaqsi lagu tuhmayo dil oo la qabtay xilli uu kusoo jeeday Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Ciidamadda ilaalada xuduudaha waddanka Mareykanka ayaa garoonka diyaaradaha Washington Dulles ka qabtay Soomaali 34-jir ah kaasoo lagu tuhunsan yahay in uu dil ka geystay gobolka Minnesota.

Shariif Maye oo gacanta lagu dhigay 28-kii bishii hore ee August isla markaana damacsanaa in uu Turkiga uga sii gudbo Soomaaliya ayaa lagu tuhunsan yahay in uu shaqsi kale kaasoo aan la magacaabin ku dilay gaari.

Saraakiisha amniga ayaa tibaaxay in ay ka tiilay balwo ama waaran, balse ma aysan soo bandhigin talaabada xigta oo ay ka qaadayaan.

Sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah, fal-dambiyeedka looga shakisan yahay Shariif ayaa ka dhacay ismaamulka Hennepin ee Minnesota.

"Waxaa lagu xiray alaabka hore ee garoonka diyaaradaha, waxaana la dhigay Saldhiga Booliska Garoonka," ayaa ayuu yiri taliska bileyska.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Mareykanka laga soo musaafuriyey Soomaali lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana uu qariyey xogtiisa gaarka aha markii uu gudbinayey codsigiisa magan-galyada.

Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan oo lasoo tarxiilay markii uu xabsi ku qaatay laba sano ayaa sheegtey in uu Itoobiyaan yahay kuna dhaawacmay qarax dhacay sanadkii 2009-kii. Balse la ogaadey in uu ku waxyeeloobay fal uu dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM